DHAGEYSO:- Muslimiinta ku nool Dalka Mareykanka oo sheegay in ay dhibaatooyin la kulmaan

0

Golaha muslimiinta dalka Maraykanka oo ay Soomaalidu ka mid tahay ayaa sheegaya in ay la kulmaan dhibaatooyin xoogan oo ku saabsan isir naceyb  lagu haya dadka muslimiinta ee kunool dalka Maraykanka.

Kulan ka dhacay Minnesotta  oo looga hadlaayey dhibaatooyinka lagu haya dadka muslimiinta ayna ka qeyb galeen madex ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa si aad loogu faaqiday dhibaatooyinka lagu haya dadka heysta diinta islaamka oo ay Soomaalidu ugu horeyso ee kunool dalka Maraykanka.

Soomaalida kunool dalka Maraykanka ayaa sheegay in lagu haya mida takoor,isir naceyb,cadiifad,iyo dhibaatooyin ay kala kulmaan goobaha shaqada.

Masjidyo badan oo leeyihiin Soomaalida kunool dalka Maraykanka ayaa la xiray qaar badan oo ka mid ah Soomaalida Maraykanka shaqada ayaa laga ceyriyey .

In ka badan 20 dhalinyaro Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesotta ayaa la xaqiijyey in ay ku biireen kooxda Daacish,taasna waxay cabsi weyn kusii abuurtay dadka naceb muslimiinta.

Hoos ka Dhageyso Codka:-