DHAGEYSO:- QM oo lacag ugu badalaysa Kenya xeritaanka Xerada Dhadhaab iyo Kenya oo diidan

0

QM ayaa ka dalbatay Kenya inay dib u eegis ku samayso qaraarka ay ku xireyso xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan kumanaan Soomaali ah.

Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Muun ayaa ku gacan seeray Kenya sababaha ay u keentay in xerada ay ku xireyso ee ku aadan arimaha argagexiso waxana uu sheegay in loo baahan yahay in la ixtiraamo qawaaninta xaquuqda bini aadamka.

“Waxaan fahmaynaa wadciga Kenya,dowladd waliba ay xaalad noocasi wajahaysa balse hadana waxaa lagama maarmaan ah in la ego dhinaca arimaha bini aadamnimada”.

Ban ayaa tilmaamay in dal waliba uu wajib ka saaran yahay sugida amaanka shacabkiisa.

Kenya waa inay dib u eegis ku samaysa qaraarkeeda ay dib qaxootiga Soomalida ugu soo celinayso dalkooda ayuu yiri Ban.

Ban Ki Mun ayaa shegay in ay Kenya siin doonan lacaga ay kaga taagerayan qaxootiga dalkooda ku sugan ayna wadamadii horey u balan qaday lacagahasi ay bixinayan.

Ban ayaa hadalkaan ka jeediyay shirkii bini aadamnimada ee ka dhacay Istanbul “wa in aan dib u fiirina lana taagera heshiiskii sedex geesoodka ahaa ee Kenya,Dowladda Somaliya iyo UNHCR si dadka iyagoo aan la qasbin dalkooda dib ugu soo laabtaan”.

Maalintii Isniinta ahayd isla shirkaasi waxaa uu madaxweyne ku xigeenka Kenya Wilyam Rutto ka hor sheegay in ayyan ka laabanayn xeritaanka xerada qaxootiga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-