DHAGEYSO:- Qorshooyin lagu xaqiijinayo amniga guud ee Magaalada Balad Xaawa oo la dajiyay

0

Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawa ee gobolka Gedo yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo uu sheegay in ay sugayaan amaanka guud ee Magaalada Balad Xaawa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay qorshooyin uu sheegay in ay u diyaariyeen sugida amniga Degmada.

Gudoomiyaha Degmada Balad Xaawa ee gobolka Gedo yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay sugida amniga magaalada Balad Xaawa.

Magaalada Balad Xaawa ee gobolka Gedo ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka dhacaayay falal amni daro iyo dilal qorsheysan oo loo geysanaayay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-