DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Amniga Muqdisho ee Bisha Ramadaan oo laga shiray iyo Maamulka Gobolka oo qorshooyin u dajiyay

0

Kulan ay yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay Ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidii Amniga kor loogu qaadi lahaa Bisha Ramadaan ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Amniga ee Degmooyinka Gobolka Banadir.

Guddoomiye kuxigeenka Dhanka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maamulka Gobolka Banadir Maxamed Axmed Diiriye oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Amniga Gacan bir ah lagu qaban doono,waxaana uu Xusay in Ciidamada Ammaanka ay kor u qaadi doonaan Sugida Amniga Gobolka Banaadir inta lagu guda jiro Bisha Barakeysa ee Ramadaan oo Maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda iyo Dadka wax haysta in ay Gargaar u fidiyaan Dadka Tabarta yara Maadaama la galayo Bishii Soon.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha:-