DHAGEYSO:- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo wali ka Socda Muqdisho

0

Waxaa maalintii sedexaad galay shirka madasha wadatashiga oo ka socda magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya,waxaana la sheegaya in madaxda ka qeybgalaysa shirka ay isku fahmi la’yihiin qodobada ka mid ah waxyaabaha shirka looga hadlaayo.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo  islamarkaana laga soo saaro Bayaanka ay isku raaceen masuuliyiinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Wararka dheeraad ah oo ka soo baxaya shirka ayaa sheegaya in uu jiro is faham waa ku aadan maqaamka Muqdisho.

Shirka ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo shalay galinkii dambe laakiin  ma dhacin ,oo ilaa iyo xalay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxay  Muqdisho  ku lahaayeen kulamo gaar gaar ah .

Hoos ka Dhageyso Codka:-