DHAGEYSO:- Taariikhda Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamada Sare ee Dalka

0

Gudoomiyaha cusb ee Maxkamadda Sare ee dalka magaciisa oo dhameystiran waa Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaana uu ku dhashay gobolka Togdheer.

Waxa uu ka soo shaqeeyay maxkamado ku yaalla deegaanada Soomaaliland.

Waayo aragnimadiisa shaqo:-

2001 ilaa 2002 = waxa uu ahaa Qareen.

2002 ilaa 2005 = Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee gobolka Togdheer.

2005 ilaa 2006 = Garsoore ka tirsan Maxakamadda Racfaanka ee Hargeysa.

2006 ilaa 2011 = Agaasimaha Qeybta Tababarada Madaniga ee Kulliyada sharciga Jaamacadda Hargeysa.

2011 ilaa Iminka = Garyaqaanka Guud ee Soomaaliland.

Waayo Aragnimadiisa Waxbarasho:-

1992 ilaa 1996 = LLB Degree Jaamacadda Caalamiga Khartoum Sudan.

1998 ilaa 1999 = Diploma Sare ee sharciga Jaamacadda Al-Nileyn Khartoum Sudan.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo ah Gudoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ayaa todobaad ka hor madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo waxa uu ugudbiyay warqadda shaqo ka tagista isagoo codsaday in uu ka fariisto shaqadii uu ka hayay Garyaqaanka Guud ee Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxa uu u magaacabay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana xilkaasi laga fariisiyay Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare dalka Ceydiid Ilka-xanaf.

Hoos ka Dhageyso Warbixinta Taariikhda:-

Guddoomiyaha-Maxkamadda-Sare