DHAGEYSO:- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo qalab Ciidan lagu Wareejiyay

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Dowlada Talyaaniga ay ugu deeqday qalab loogu tala galay Ciidanka Booliiska.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowlada Talyaaniga ay sii xoojineyso tababarada ay siineyso Ciidanka iyo Saraakiisha Ciidanka booliiska Soomaaliya.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay ku dadaalayaan sidii loo hormarin lahaa ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib Kulan uu la qaatay Saraakii ka socotay Dowlada Talyaaniga.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa iminka ku sugan Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaasi oo Dalka Talyaaniga tababar ku qaadanaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-