DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo digniino culus u diray Ciidanka Booliiska

0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka booliiska loogu baahan yahay in ay u turaan shacabka marka ay howl galada sameeyaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan Shacabka isla markaana uu xiriir wanaagsan dhex maro.

Taliyaha ayaa xusay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in ciidanka ay si adag ula shaqeeyaan shacabka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-