DHAGEYSO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Ceel-waaq oo la dhaawacay

0

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Ceel-waaq iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay Duleedka Magaaladasi,waxaana dagaalka ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac soo gala gaaray Labada Dhinac.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Ceelp-waaq ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 6 kamid ah Al-shabab,waxaana uu xusay in dhankooda ay ka dhaawacmeen Saddex Askari oo uu ku jiro Taliyaha Saldhiga Degmada.

Al-shabaab dhankooda waxaa ay sheegteen in halkaa ay ku dileen Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-