DHAGEYSO:- Taliye Bashiir Goobe “ Shaqo ayaan u abuureynaa Caruurtii darbi jiifka ee aan dhaqan celinta u sameynay”..

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamaca “ Bashiir Goobe” ayaa sheegay in shaqo abuur loo sameynayo Caruurtii darbi jiifka ahayd oo bilihii dambe lagu dhaqan celinaayay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sidoo kale in Caruurta ay mudo bilooyiin ah ku dhaqan celinaayeen Xabsiga dhexe ee Xamar isla markaana Maanta ay yihiin kuwa Waalidkooda anfici karo.

Waxa uu sheegay in shaqooyiin kala duwan loogu abuurayo dhalinyaradaan gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar oo uu sidoo kale sheegay in maalin walbo ay u soo shaqo tagi doonaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamaca “ Bashiir Goobe” ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii Maanta munaasabad sagootin ah Xabsiga dhexe loogu sameeyay Caruurtii darbi jiifka ahayd oo horay ay ugu soo wadeen iskoosyada iyo Wadooyinka Muqdisho qaarkood kuwaasi oo bilihii dambe lagu haayay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Caruurtaan ayaa intii ay ku jireen Xabsiga Dhexe ee Xamar ku jireen waxaa la baray Casharo la xiriira diinta iyo Maadiga, waxaana barbar socday Casharo kale oo lagu ilawsiinayo noloshoodii hore.

Hoos ka Dhageyso Codka:-