DHAGEYSO WARBIXIN:- Maamulka Galmudug oo gacanta ku dhigay 80 dhalinyaro ah oo tahriib doon ahaa

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay magaalda Cadaado ku qabteen in ka badan 80 dhalinyaro ah oo ay sheegeen in intooda badan ay doonayeen inay tahriibaan.

Dhalinyaradan ayaa saarnaa baabuur ka soo qaaday Muqdisho, iyagoo ku wajahnaa magaalada Boosaaso oo ay ka tahriibi lahaayeen.

Dadka la qabtay qaarkood ayaa la tuhmayaa inay ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN ARINTAASI KU SAABSAN