DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta wada hadal ku dhex maraya magaalada Jigjiga

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maalinimadii shalay gaaray magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta wada hadal la yeelanaya Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar.

Wada hadalkan ayaa waxaa garwadeen ka ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo dhowaan u gaaray Jigjiga soo afjarida xiisada colaadeed ee ka taagan deegaano ku dhow dhow xuduuda Itoobiya, halkaasoo ay dagaalo dad badan ku dhinteen ku dhex maray Ciidamada Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.

Qoraal kooban oo uu Madaxweynaha Galmudug soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in socdaalkiisa Jigjiga uu yahay mid nabadeed, sidii xal looga heli lahaa dagaaladii ka dhacay deegaanka Dac-dheer iyo deegaano kale oo ka tirsan Galgaduud, balse u dhow xuduuda Itoobiya.

Wada hadalada dhex maraya Madaxweynayaasha Galmudug iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in labada dhinac ay ku saxiixaan heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaada ka taagan xuduuda.

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay Galmudug in maleeshiyo taabacsan oo gacan ka helaya Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen deegaanadeeda, hase ahaatee Wasiirka Amniga Galmudug ayaa wararkaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

Dagaaladii ka dhacay deegaanka Dac-dheer ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka tiro kalena ku dhaawacmeen, waxaana deegaanadii lagu dagaalamay ka barakacay dadkii reer guuraaga ahaa.

Xiisad u dhaxeysa dadka reer guuraaga ah ee xoola dhaqatada iyo Ciidamada Liyuu Boolis ayaa ku soo laab-laabaneysay deegaanada ku dhow xuduuda, waxaana sanadkii hore jiray heshiis laga gaaray colaadaas oo wafdi ka tirsan dowladda Federaalka oo uu hogaaminayay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ay Jigjiga u tageen xalinta colaadaas, iyagoo xilligaas lagu wareejiyay maxaabiis lagu qabtay dagaalada.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-

 

Guuleed-iyo-Iley-768x414