DHAGEYSO WAREYSI:- Sababta loo xeray Agaasimaha Idaacada Goobjoog ee Muqdisho

0

Agaasimaha Idaacadda Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho Xasan Maxamuud Maxamed ayaa Maanta lagu xiray xarunta Dambi baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee CID.

Tafaftiraha Idaacadda Goobjoog Axmed Wali ayaa sheegay in Agaasimaha looga yeeray Xarunta Dambi baarista islamarkaana markii uu tagay lagu wargaliyay inuu Xiran yahay.

Axmed wali ayaa sidoo kale sheegay in Xariga Agaasimaha Goobjoog ay ku tuhunsan yihiin inuu la xariiro Wareysi Xildhibaan ka tirsan  Baarlamanka Galmudug oo asna ku xiran CID islamarkaana Idaacadu ay Wareysatay,balse ay soo bixi karaan Arrimo kale.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-