DHAGEYSO WAREYSI:- Salaadiin Xukun Lagu Riday iyo Sababta loo Cuskaday oo uu sharaxayo Xeer-ilaaliyaha guud

0

14 qof oo saddex ka mid ahi madax-dhaqameed yihiin ayaa maanta maxkamadi ku xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed oo kala duwan, magaalada Mandheera ee Somaliland.

Dadkan la xukumay ayaa ku eedaysnaa inay khalkhal geliyeen goob ay ka socotay diiwaangelinta doorashada muwaadinku oo ku taalla waqooyiga magaalada Hargeysa.

Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ah garyaqaannadii u doodayay dadkan oo in muddo ah xidhnaa, ayaa waxa uu xukunka ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

Garyaqaanka ayaa waxa uu ku dooday in maragyo ku filan aan loo cuskan xukunkan, isla markaana salaadiintu la xukumay ay deegaankaa u tageen inay shaqaaqo ka jirtay xalliyaan.

Garyaqaanku wuxuu intaa ku daray inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, waxaanu ugu horrayn waydiiyay sababaha loo cuskaday xukunkan.