DHAGEYSO WAREYSI:- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maanta Muqdisho ka furmaya

0

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliyeed, kaas oo ay kaga hadlayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadkaan ay dalka ka qabsoonto.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilo ka socda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkan ayaa ah kulankii ugu dambeeyay ee kulamada shirka Madasha Qaran, kaas oo soo maray marxalado kala duwan .

Qodobada badanaa looga hadlaayo ayaa waxaa ka mid ah sidii Muqdisho loogu soo dari lahaa aqalka Sare iyo go’aankii uu qaatay madexweynaha Soomaaliya kasoo ahaa in uu xeer madexweyne ku ansixiyey qodobadii kasoo baxay Shirka Madasha wadatashiga qaran.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-