DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Agaasimhii hore ee Nabadsugidda Qaranka oo Banaanka soo dhigay SABABTA Ciidamada Dowlada dib ugu soo gurtaan ?

0

Maalintii shalay ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabelelda Dhexe oo ay saacado un haysteen ciidamada dawladda, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 20 askarta dawladda ah.

Ka sokow weerrarada Al-Shabaab, ciidamada xoogga Dalka ayaa dhawaan waxa ay deegaano cusub ka qabsadeen Al-Shabaab, balse meelaha ay qabsadeen qaarkood ayaa ciidamada ay dib uga soo baxaan iyadoo Al-Shabaab ay si dhib yar dib ugu qabsato.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay Ruunirgood waxaa ku dhintay askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana jira eedo la xiriira in ciidanamada aysan helin gurmadkii ay u baahnaayeen.

Halkaan ka dhageyso wareysiga Axmed Macallin Fiqi agaasimhii hore ee Nabadsugidda Qaranka.