DHAGEYSO WAREYSI XASAASI:- Faysal Cali Waraabe oo sheegay cidda Soomaaliya ay ka degi la’dahay

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ee Feysal Cali Waraabe oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho,waxaana uu sheegay in Shirkaasi aysan waxba ka soo baxay oo uu yahay Shimbirayahow heesa sida uu hadalka u yiri.

Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in Arrimaha Soomaaliya ay ka degi la’dahay Beesha Caalamka iyo sidoo kale Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliya oo aysan ka go’neyn in Soomaaliya ay midowdo.

“Soomaaliya waxaa ay ka degi la’dahay Beesha caalamka oo mar walba Khas iyo Fowdo ka wada Soomalaiya dhexdeeda,Soomaaliland waxa ka socda Muqdisho ma quseeyaan oo wey ka madax banaantahay”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

HALKAAN KA DHAGEYSO