DHAGEYSO:- Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo Maanta qaadeysa imtixaanka Mideysan ee dugsiyada sare ee Dalka

0

Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan ka qalin jibinaayo dugsiyada Sare ee Dalka ayaa Maanta u fariisanayo Imtixaanka guud ee shahaadiga Dugsiga sare oo ay sanadkii labaad qaadeyso Wasaarada Waxbarashada.

Ardayda Maanta imtixaanka u fariisanayo ayaa ku galaya Xarumo kala duwan oo ay diyaarisay Wasaarada Waxbarashada ee Dowlada Soomaaliya, waxaana Amniga Xarumahaasi sugayo Ciidamo gaar ah oo ay Dowlada u diyaarisay.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Khadro Bashiir Cali oo iyadoo ku sugan Dalka Mareykanka la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in laamaha amniga ee Dowlada loogu baahan yahay iney adkeeyaan amniga xarumaha lagu qaadayo imtixaanka.

Wasiirada ayaa sidoo kale sheegtay in sanadkaan uu yahay sanadkii labaad oo Wasaarada ay si mideysan u qaado imtixaanka guud ee dugsiyada sare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-