DHAGEYSO: Wasiir Jangali “Gaba gabo ayuu marayaa soo wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya”

0

Xilli mudooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya ay dadaalo kala duwan ku bixineysay sidii dalka loo keeni lahaa maamulka hawada oo dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd ayaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac Axmed Jangali ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi uu marayo meel gaba gabo ah.

Cali Jaamac Jangali waxa uu sheegay shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Nairobi ee laga maamulo Hawada Soomaaliya dhamaantood in ay yihiin kuwo Soomaali ah islamarkaana ay yar yihiin dadka Ajaanibta ah ee halkaasi ka shaqeeya.

Waxa uu sheegay Qalabka laga maamulayo Hawada Soomaaliya qaarkood in laga keenayo dalka Thailand oo dhowan dalka la keenayo.

Tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka maamulka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa laga maamulayay dalka Kenya halkaasi oo ay gacanta ku heysay hey’ad ka tirsan QM oo dhanka Hawada uqaabilsan.