DHAGEYSO:- Xaalada Magaalada Baladweyne oo Saakay degan iyo Maleeshiyaadkii oo la kala qaaday

0

Xalaada magaalada Baledweyne ayaa saakay dagan ka dib markii maalmihii la soo dhaafy uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Baledweyne.

Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta howlgalka AMISOM ayaa kala qaad meeleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha magaalada Baledweyne Macalin Cusmaan Qalaafow ayaa sheegay in la kala  qaaday beelihii ku dagaalamay magaalada Baleweyne,islamarkaana hada ay bilowdeen wadahadlada nabada ee la doonaayo in lagu hishiisiiyo beelihii dirirto dhex martay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Baledweyne in ay xabada joojiyaan mar kalena uusan dagaal ka dhicin magaalada Baledweyne ayna nabadda qaataan.

Shacabka ku nool magaalada Baledweyne ayaa waxaa soo wajahay xaalad adag ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabeele iyo sidoo kale dagaalo muddo muddo ka socday magaalada Baledweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka:-