DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa oo Eedeyn kulul u jeediyay Beesha Caalamka, kana hadlay Arrimo Xasaasi ah

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beesha Caalamka iyo dowladaha daneeya Arrimaha Soomaaliya ku eedeeyay in Masiirka iyo arrimaha Soomaaliya ay shaqsi shaqsi kala shiraan.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in danaha Soomaaliya aan lagala hadlin qof keligiisa balse ay muhiim tahay in lagala hadlo dhamaan madaxda Soomaalida.

Xildhibaan dalxa ayaa sheegay in wax badan oo qalad ah ay ka jiraan Madaxda Soomaalida loona baahan yahay in la saxo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-