DHAGEYSO:- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in loo gurmado Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne

0

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka hadlay fatahaada Wabiga Shabeelle iyo Dagaalada maalmihii udambeeyay ka dhacayay magaalada Beledweyne.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in loo gargaar loo fidiyo dadka ay saameeyeen fatahaad Wabiga Shabeelle iyo dadkii ku barakacay dagaal beeleedyadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Xasan ayaa dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha gar gaarka ugu baaqay in si deg deg ah wax loogu qabto shacabka Beledweyne.

Dhanka kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay xabbad joojintii la kala dhex dhigay labadii Beelood ee dhowaan ku dagaallamay Galbeedka magaalada Beledweyne.

Goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan degan,waloow dadka qaar ay ka baqdin qabaan in ay dib u qaraxdo xabbadda,waxaana la sheegayaa in ay guryahooda ka baxayaan dad badan oo markii hore ay dirirtu go’doomisay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-