DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo ka digtay Kalluumeysiga Sharci darada ah

0

Maxamed Cumar Ceymooy Wasiirka Wasaarada Khalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay Kalluumeysiga sharci darada ah ee laga wado Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada Kalluumeysiga ee Maamul goboleedyada dalka ay horay ugu heshiiyeen in meel loogu soo wada jeesto ka hor taga Kalluumeysiga sharci darada ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in lagu sii socdo Kalluumeysiga sharci isla markaana ay muhiim tahay in la joojiyo oo la iska kaashaado.

Wasiirka Wasaarada Khalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy ayaa hadalkaani ka sheegay ka dib markii uu magaalada Muqdisho ugu qeyb galay shir loogu hadlaayay hormarinta Kalluumeysiga.

Hoos ka Dhageyso Codka:-