DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Arrin ay ku farxaan Shacabka gobolka Hiiraan

0

Wasiirka Wasaarada Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo Warbaahinta la hadla ayaa sheegay in Xukuumada ay dib u dajin u sameyneyso dadka ka soo barakacaya gobolka Hiiraan ee uu saameeyay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in dadkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dajin loogu sameeyo, loona gurmado.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumada ay ka go’an tahay in ay dib u dajin u sameyso dadka ka soo barakacaya deegaanada gobolka Hiiraan ee uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Hoos ka Dhageyso Codka:-