DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo ku dhawaaqday in labo Maalin la fasaxay shaqaalaha Dowlada iyo kuwa gaarka

0

Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha bulshada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday muddo 2 Maalin oo fasax ah siisay shaqaalaha Dowlada iyo kuwa gaarka ah ee aan dowliga ahayn.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada shaqada, shaqaalaha, iyo Arrimaha bulshada Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa ugu Hambalyo u diray shaqaalaha Soomaaliyeed, waxa uuna si cad u sheegay in Wasaarada ay fasaxday shaqaalaha dowlada iyo kuwa aan dowliga ahayn maalinta shaqaalaha aduunka awgeed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin shaqooyinka dowlada iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Maanta oo ah 1 May kuna began maalinta shaqaalaha aduunka ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto magaalooyinka waa weyn ee Dalka oo loogu dabaaldagayo Maalinta shaqaalaha aduunka.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu qabto Munaasabad ay ka qeyb galayaan madaxda Dowlada oo lagu xusayo maalinta shaqaalaha aduunka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-