DHAGEYSO+AQRI WAR-MURTIYEED:- Shirkii madasha wadatashiga hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo Qardho lagu soo xiray.

0

Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee Puntland lagu soo gabagabeeyay Shirweynihii madasha wadatashiga hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee uu gogoshiisa fidiyey boqorka beelaha Dooraad Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana shirka iskugu yimid hogaan dhaqamaeed fara badan oo daafaha Soomaaliya iskaga yimid, waloow qaar ka mid ah isimada Puntland aysan ka qaybgalin oo ay shirka khilaafeen.

Hadaba Shirweynihii madasha wadatashiga hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo uu maanta si rasmi ah u soo xiray Boqor burhaan boqor muuse ayuu sheegay in shirkaani uu ahaa kii ugu horreeyay ee hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed kulmiyey, islamarkaasina natiijo fiican laga dhaxlay, waxaana laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban kaas oo gabagabadii shirka laga akhriyey.

HALKAAN KA DHAGEYSO