DHAGEYSO:P- Maamulka G/Hiiraan oo beeniyay in iyaga Wasiirada Xukuumadda ay isku maandhaafeen dib u heshiisiinta beelaha Baladweyne

0

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa beeniyay in Wasiiro ku sugan Magaalada Baladweyne iyo maamulka Gobolka Hiiraan ay isku khilaafeen xallinta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay Magaaladaasi.

Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa sidoo kale xusay in Odayaasha beelaha dagaalamay kuwa aan ahayn ay haatan wadaan dadaallo ay ku heshiisiinayaan beelaha dhawaan ku dagaalamay Magaalada Baladweyne arrintoodana ay meel wanaagsan mareyso.

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in inkabadan 20,000 oo qoys ay ka barakaceen Fatahaad uu Webiga Shabelle ka sameeyay Magaalada Baladweyne.

Isagoo sii hadlaya Sheekh Xuseen  Cismaan Cali ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in dadkaasi fatahaadda ka barakacay ay soo food saartay xaalado nolol xumo ayna ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baladweyne.

Dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii  waxaa isku biirsaday Colaad u dhexeyso beelo walaalo ah iyo fathaaad uu Webiga Shabelle ka sameeyay Magaaladaasi Baladweyne.

Hoos ka Dhageyso Codka:-