DHAGEYSO+XASAASI: Taliyaha Boliiska cusub ee Puntland oo xilka la wareegay

0

Taliyaha cusub ee sida kumeel gaarka ah logu magacaabay Boliiska Puntland C/qaadir Shire faarax Ereg ayaa xilkii kala waregay Taliyihii hore ee boliiska puntland C/risaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud oo xil ka qadis ku sameyay madaxwaynaha maamulka puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Xaflada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Taliska boliiska Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa Ereg xilka kala waregay Taliyihii hore ee cidanka boliiska Puntland C/risaaq Afguduud oo xilkaqaadis lagu sameeyay 15ka bishan aan ku guda jirno, kadib shaqaaqadi ka dhacday magalada Boosaaso oo sabab u ahayd in xilka laga qaado isaga iyo Taliyihii ciidamada Birmadka Puntland Cismaan Xasan Cuuke Afdalow.

Xaflada xilawareejinta waxaa goob joog ahaa Wasaarada amniga Puntland, saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka Nugaal.

Taliyihii boliiska Puntland C/risaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud ayaa Bishii 8aad ee sanadkii 2015 loo magacabay xilka Boliiska Puntland.