Donald Trump oo Maanta booqanaya Magaalo Caan ah iyo Banaanbaxyo ka dhacaya Magaaladaasi

0

Dalka Maraykan Booliska rabshadaha ka hortaga ayaa loo diray gobolka California.

Booliska ayaa loogu talagalay inay ka hortagaan iskudhac ka dhexdhaca dadka magaaladdaasi.

Waxaa laga cabsi qabaa inay isku dhacaan taageerayaasha Donald Trump iyo dadka ka soo horjeeda.

Donald Trump ayaa magaaladaasi booqan doona. Waxaana jira dadka ka soo horjeeda.

Magaaladda Sandiego ayaa ku taala xuduuda dalka Mexico oo dhowr kilomitir u jirta.

Donald Trump ayaa dhowr jeer sheegay in hadii la doorto uu darbi ka dhisayo xuduuda Mexico.

Si la sheegay Donald Trump ayaa helay codad ku filan oo uu musharax ugu noqon karo Jamhuuriga.

Xigasho BBC