DHAGEYSO:- Dooni siday in ka badan 300 oo Ruux oo ku degtay Biyaha Dalka Liibya iyo Soomaaliya badan oo ku jirta

0

Doonidan oo ay la socdeen ku dhawaad 350 muhaajiriin ah ayaa lagu soo waramayaa in Shalay ay ku quustay Biyaha Dalka Liibya, waana dhacdadii 3-aad ee laga soo wariyo Biyaha Medetereeniyaaanka ee u dhaxeeya Dalalka Talyaaniga iyo Liibya.

Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa dhowr Markab u diray halka musiibadaasi laga soo sheegay waxaana ay ku guuleysteen soo badbaadinta 130 Ruux, waxaana weli la weysan yahay 220 kale oo doonidaasi la socday.

Saraakiishan ayaa sidoo kale qeexay in ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo muhaajiriinta weli lagu la’yahay Biyaha Dalka Liibya, iyadoona xusid mudan in aan xogo badan laga heyn shilkii ugu dambeeyay ee ka dhacy Biyaha Liibya

Laakiin Muhaajiriin lagu qiyaasay 1,900 ayaa laga soo badbaadiyay 16 doon kuwaasi oo doonayay in mar un ay cagta dhigaan Xeebaha Dalka Talyaaniga, si halkaasi ay uga sii gudbaan Dalalka kale ee Yurub.

Markab laga leeyahay Dalka Talyaaniga ayaa Sawiro kala duwan oo argagax leh ka soo qaaday Dooni rogmeysa, muhaajiriintii saarnaa ku daatay Badda, waxaana shilkaasi ku dhintay 5 Ruux, halka 100 kalena la waayay halka ay cirib iyo jaan dhigeen.

Sikastaba, Saraakiisha Ciidamada Badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa khamiistii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in 30 Ruux oo muhaajiriin ah la aaminsan yahay in ay dhinteen kadib markii doonidii ay ka socdeen ku degtay biyaha Dalka Liibya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-