DHAGEYSO:- DHAGEYSO:- Dowlada Mareykaka oo soo saartay digniino cusub oo ka dhan ah amaanka Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya

0

Mareykanka ayaa ugu digay Muwaadiniintiisa u safarka Dalka Soomaaliya, xili ay socdaan Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.

Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka oo digniintan soo saartay ayaa sheegtay in Xarakada Al Shabaab ay weli wadaan Weerarada u badan Qaraxyada ee ka dhanka ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Weerarada Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa ku sii baahaya Degaanada Maamulada Soomaaliland iyo Puntland, sida lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Mareykanka.

La-taliyeyaal Mareykan ah ayaa qeexay in Xarakada Al Shabaab ay weli beegsanayaan meelaha ay isugu yimaadaan Reer Galbeedka, Maqaaxidaha iyo Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in 8 Weerar oo aad u xoog badnaa lagu qaaday Hoteelo kala duwan oo ku yaalla Caasimada Dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in 1 Ruux uu dhintay, 8 kalena ay dhaawacmeen 19-kii Bishan May xili Xubno ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho.

Dalka Soomaaliya ayaa qeybo ka mid ah waxaa lagu sheegay in ay hareeyeen Weerarada Xarakada Al Shabaab, Iyadoona xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tiirsan tahay awooda Xoogaga AMISOM.

Hoos ka Dhageyso Codka:-