DHAGEYSO:- Dowladda Kuwait oo caawinaysa Shacabka Soomaaliyeed

0

Hay’addaha  dowladda Kuwait ayaa sheegay in bilaabi doonaan gar gaar deg deg oo loogu talagay dadka ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya, kuwasoo baaruhu ay saameeyeen.

Deeq bixinta ayaa hay’addaha dowladda Kuwait  inta badan loo qorsheynaya in ay ka bilaabato gobolo ku yaala waqooyiga ,koofur iyo Bartamaha Soomaaliya ,halkaas dowladda Kuwait ay sheegtay in xaaladu ay kasii dareyso.

Hay’addaha  dowladda waxay sheegeen in ay caawin doonaan dad badan oo abaarta ku xoolo beelay iyo sidoo kale dadka beeraleyda ah oo lagu caawin doono agabyadda beeraha.

Mid ka mid ah saraakiish hogaaminaysa hay’addaha dowladda kuwait ayaa warbaahinta u sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

“aad iyo aad  ayaan ugu faraxsanahay inaan caawino shacabka Soomaaliyeed annagoo matalaynaa Shacabka dowladda kuwait ,waxaa nahay  dad walaalaa”

Qaramada Midoobe ayaa horay u sheegtay in baarta Soomaaliya ay saameysay ku dhawaad 1.7 million oo ruux kuwasoo 40 ka mid ah ay kunool yihiin Soomaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-