Duqeyn dad badan ku dhinteen oo ka dhacdy Magaalo can ah

0

Mucaaradka dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqaymo dhanka cirka ah loo gaystay malaagada Idlib ee waqooyi galbeed dalkaasi oo kooxaha mucaaradka ay gacanta ku hayaan.

Waxa ay sheegeen in ugu yaraan 10 gantaal lagu garaacay magaaladaasi shalay oo isniin ahayd, waxa ayna intaasi ku dareen in 14 qof ay ku dhinteen intaa ka badana ay ku dhaawcmeen duqeymahaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in weeraradaasi ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weeraradaasi waxyeelo lagu gaarsiiyay isbitaal ku yaalla magaaldaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo maalintii Axadda ahayd uu madaxa mucaaradka Suuriya ee wadahadalada nabadda uu isu casilay sababo la xiriira waxa uu ku tilmaamay guul darrada wadahadaladani nabadda ay ku guul dareysteen in wax laga qabto xaaladda dadka rayidka ah.