FAAH FAAHIN:- Qarax ka dhacay Degmada Qoryooleey iyo Askar ku dhamaatay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saddex askari oo ka mid ah ciidanka maamul goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya ay dhinteen.

Sidoo kale wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in afar kale oo shacab ahaa uu dhaawac soo gaaray ka dib markii miino lagu aasay suuqa xoolaha ee degmada Qoryooleey.

Askarta dhimatay iyo dadka shacabka ahaa ee dhaawacmay ayaa dhamaantood waxay waxyeelada ka soo gaartay Miino lagu aasay Suuqa Xoolaha ee Degmada Qoryooleey.

Guddoomiyaha degmada Qoryooleey ayaa xaqiijiyay dhimashada askartan ku geeriyootay miinada lala eegtay xilli ay ku sugnaayeen suuqa xoolaha ee degmada.