Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Ciidamadii ku dagaalay Degmada Dhoobleey

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in labo Askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland ay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay Magaalada.

Dagaalkaan ayaa wuxuu dhexmaray ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasi oo dagaalkooda uu yimid kadib markii Askari ka tirsan ciidamada wada dagaalamay la xiray.

Askar kale oo ka gadoodsan xariga loo geystay Askarigaasi ayaa bilaabay rasaas, waxaana halkaasi ka dhacay Iska hor imaadka dhexmaray labada ciidan.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay labo Askari oo ciidamada wada dagaalamay ka mid ah inay halkaasi ku dhinteen, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale.

Saraakiisha waxa ay sheegeen inay dib ka faah-faahin doonaan Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi ciidamada Jubbaland ku dhexmary Magaalada Dhoobley.

Askar kale oo dhaawac uu soo gaaray ayaa la sheegay in loo qaaday goobaha caafimaadka Magaalada Dhoobley.

Xaalada goobtii lagu dagaalamay ee Magaalada Dhoobley ayaa kacsan, waxaana Saraakiisha ay wadaan xalinta dagaalka dhacay.