Faah Faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Xoogan oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed waxaa lagula eegtay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Gaarigan oo ay wateen Ciidamada Nabad Sugida, kana baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Deegaanka Siinka Dheer, ayaa Qaraxaasi Miino waxaa lagula beegsaday Degaanka Taree-dishe ee Duleedka Caasimada Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhimatay, labo kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Qaraxaasi, waxaana Dadka Degaanka qaarkood ay sheegeen in uu jiro burbur khasaaro oo gaaray Gaariga Qaraxaasi lagu dhuftay.

Dhawaaca ka dhashay Qaraxan ayaa lagu soo waramayaa in loo soo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi lagu beegsaday Gaarigii ay la socdeen Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.

Kooxda Daacish oo ku xoogan qeybo ka mid ah Dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa dhowr jeer sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyo siyaabo kala duwan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM loogula eegtay Duleedka Magaalada Muqdisho.