FAAHFAAHIN laga helaayo Dagaal culus oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Iska hor’imaadkaan  oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho in kooxo hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Fariisin ay Ciidanka dowladda ku leeyihiin Warshadii hore ee Barafuunka.

Weerarka oo ka dhashay dagaal fool ka fool ah ayaa la sheegay in saacado uu dhexmarayay labada dhinac .

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro inkastoo aan la xaqiijin Karin maadaama waqtiga ay wax dhaceen ahayd  Habeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee degmada Heliwaa oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarkaasi.

Laakiin dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dareemeen xaalad kacsanaan ah sida ay ugu warrameen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.