FAAHFAAHINO ka soo baxaysa Qarax ka dhacay Buuraleyda Galgala

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qarax lala beegsaday ciidamada Difaaca Puntland ee (KDF) xili ay ku jireen howlgalo laga sameeyey Buuraleyda Golis ee Galgala, waxaana la xaqiijiyey in ay dhaawacmeen qaar kamid ah ciidamada dawladda Puntland.

Saraakiisha Difaaca Puntland ayaa sheegay in ay ciidamadu ku jireen howlgal ay ku baadi-goobayeen kooxaha Argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Golis meelo kamid ah.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey dhaawaca 3 askari oo kamid ah ciidamaddan, ka dib markii qaraxu uu qabsadey mid kamid ah ciidamadda gaadiidka ee Puntland.

Goobjoogayaal madax banaan ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxan iyo rasaas ku xigtay oo ay ciidamadu ridayeen, iyadoo aagaas oo dhan ay hadda howlgalo ka wadaan ciidamada Difaaca Puntland.

Dawladda Puntland ayaa sheegtay in ay howlgalo gaar ah oo maalmihii ugu dambeeyey ka wadey Buuraleyda Galgala, kuwaas oo looga hortagayo kooxaha xagjirka ah, oo ay isku dayaya in ay xili kasta geystaan falal amaan darro oo ay kula dagaalamayaan amniga iyo daganaashaha Puntland.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii ciidamada lala beegsaday qarax, kaas oo geystay dhimashada 2 kamid ah ciidamada Difaaca, iyadoo sidaas oo kalena lasoo qabtay dad lala xariirinayo falalkaas in ay lug ku lahaayeen.

Dawladda Puntland ayaa dadaal adag kula jirta kooxo Argagixiso ah, kuwaas oo doonaya in ay dumiyaan amniga, halka ay Puntland mudo dheer kaligeed dagaalkaas ku jirto.