FADEEXAD: Shan Boqol oo Soomaali Ah Oo Dib Looga Celinayo Dalka Norway Iyo Dowladda Soomaaliya Oo Saxiixday In Dib Loogu Soo Cesho Dadkaas.

0

Dowladda Norway ayaa sheegtay in ay xoog ku celin doonto 500 Soomaali ah oo sharciga qaxooyinimo looga diiday dalkeeda. Dowladda Norway ayaa dooonaysa in heshiis dib loogu celinayo dalalkooda la gashay wasiiro arrimaha dibadeedka qaar ka tirsan wadamada Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Waxaa maalmahan magaalada Oslo shir ugu socday wasiirada arrimaha dibada Africa qaarkood iyo wasiirka arrimaha dibada Norway Borge Brende oo ku kulmay shirka wadamada Waqooyiga Yurub ku yaal ee loo yaqaan NORDEN iyagoo ka wada hadlay arrimaha ka dhaxeeya wadamada Waqooyiga Yurub iyo Africa.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya, C/salaan Omar Hadliiye ayaa la filayaa inuu mira dhal noqdo wada hadal u socda isaga iyo Dowladda Norway oo ay dooneyso in si qasab ah dalka loogu celiyo 500 qaxooti Soomaaliyeed oo sharciyada dal ku jooga loo diiday.

Arrintan ayaa sanado badan dowladda Norway ku qalqaalineysay Soomaaliya, iyagoo kala hadlay wasiiro badan oo soo maray xukuumadihii hore, hase ahaatee Wasiir Hadliiye ayaa laga yaabaa heshiiskaan saacadaha soo socda inuu qalinka ku duugi doona sida laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan Norway.

Arrintan ayaa waxaa ka digay Xildhibaan Baashe Muuse oo xildhibaan ka ah Oslo, isagoo ku tilmaamay arin laga naxo, wuxuuna sheegay in ay keeni karto dhibaato haddii dalka lagu celiyo Soomaalida dad badan oo wadanka dhex galay, qeybna bulshada Vorway.

Dowladda deriska la ah Soomaaliya ee Itoobiya ayaa heshiiska dib u celinta qaxootiga la diiday la saxiixaday Janaayo sanadkaan, haddana Soomaaliya ayaa jidka kusoo jirta in ay saxiixdo.

wasiirka
Sawirka: Wasiirka Arrimaha Dibedda Norway Børge Brende Iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cabdisalaan C/salaan Cumar Hadliiye

SIdoo kale, Dowladda Norway ayaa ka shaqeyneyso in heshiiska dib u celinta qaxootigeeda dooneysa in ay la gasho Eriteria oo qaxooti fara badan ka jooga dalkeeda.

Warbixin Qaramada Midoobay soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in xiligaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya dib loogu celin karin qaxootiga, maadaama ay tahay meel qalalaase ka taagan.