Garoowe, Hargeeysa iyo dabaal dega Ginbood!

0

Salamulahi caleykum Soomaaliweyn–

Boqorkii hore ee Itoobiya (EThiopia)Xayle Salaase) ayaa Magaallada Qabri dahare , ka yiri Soomaalidu waxay kamid tahay Qoyska weyn ee Reer Itoobiya Qarnigii20,naad waxaa hada jira ifafaalo xaqiiqowday iyo riyadii XayleSalaase oo dhab noqotay, heshiisyada Soomaalidu isla garto waxaa damiin ka ah Itoobiya, amaanka Soomaaliya waxaa suga ciidanka Itoobiya. Soomaalida waxaa kala ilaaliya Itoobiyanka Riyadii soo dhab ma noqon?.

Garoowe iyo Hargeeysa waxaa laga xusay 20,Ginbood)- oo ku beegan 20, may 1991, oo ah maalintii xukunka laga tuuray Hoggaamiyihii Ethiopia) ee kelili taliya -ahaa {Mengistu Haile Mariam} maalintaas 20Ginbood waxaa shintirsada oo xusa Dalka Itoobiya siiba xisbiga talada haya ee (Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front) {EPRD} laakiin waxaa cajiib ah in hada laga xuso Magaallooyinka Soomaaliyeed ee Garoowe iyo Hargeeysa iyadoo hoggaamiyayaasha Garoowe iyo Hargeeysa ay siweyn u weyneeyaan maalintaas waa maxay sababtu?? Soomaalay..

Maalintaas samaan iyo xuman waxay leedahay waxaa iska leh Qaranka Federalka ee Itoobiya,Garoowe iyo Hargeeysa ma waxay kamid tihiin magaalooyinka 20ginbood iska leh? waajibna ay tahay inlooga dabaal deggo??..

Haddaba arrinta mudan isweydiinta waxay tahay Garoowe iyo Hargeeysa oo ah Soomaaliya maxay tahay sababta looga xusay? 20 ginbood,mise laga xusay Nayroibi iyo Bombasa oo daris la ah Ethiopia?
Muxuu yahay Eray bixinta loogu yeero xuska Garoowe iyo Hargeeysa ee 20Ginbood, bal u fiirso lama oran jaaliyadda Ethiopia ee Hargeeysa iyo Garoowe ku nool ee dalka Soomaaliya ayaa xus ku qabsaday Garoowe ama Hargeeysa laakiin taas bedelkeed waxaa Saxaafaddu shaacisay 20Ginbood oo si weyn looga xusay Garoowe iyo Hargeeysa da,yarta Soomaaliyeed ee maanta jogta maxay u qaadan karaan, maalinta Ginboodka) ma maalin Soomaali xustaa mise waa maalin caalamiya oo adduunka oo dhan laga xuso..
Bal -eeg qaabka loomaamusay xaflada goobtu waa Garoowe Soomaaliya waxaa xaflada lagu xardhay ama lagu sharraxay dhammaan Calamada Qowmiyadaha Itoobiya{;;} oo uu ku jiro Calanka Puntland Soomaaliya ujeedku muxuu yahay?. 20ginbood ma Soomaaliya iyo Itoobiya ayey ka dhaxaysaa sida maalintii la asaasay Urur Goboleedka IGAD) oo kale?..
Tani waa Hargeeysa waa lamid sidaas oo kale ayaa loogu xardhay calamada Qowmiyadaha Itoobiya iyo Calanka somalind Soomaaliya iyo Calanka Jamuuriyada Federalka ee Itoobiya waxaana xaflada kasoo qeyb galay dhamman hay,yaddaha maamul ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somalind). Waa loo istaagay waana loo Sacabo tumay xafladaas ogow xiligaas calanka ummadda Soomaaliyeed ee Buluga, goobta waa ka maqan yahay weliba Hargeeysa waa goobtii ugu horeeysay Calanka Soomaaliyeed ee Buluga laga taagay, Qarnigii 20,naad.. nasiib daro weyn soomahan. Iyo inay run noqtay Riyadii boqorkii Itoobiy ee Xayle Salase..

Xasuusin 1991, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhacay is bedel haddii aan ku hormaro dalka Itoobiya oo jaar ama daris la ah Soomaaliya may 1991, Jamhaddii uu hoggaaminayeyMales Zanawi ayaa waxay inqilaab ku qabtay Itoobiya Males wuxuu dalkiisa u horseeday midnimo iyo qaranimo ay maanta ku naloodaan kuna xisaabtaman.

Soomaaliya janaayo 1991`Jamhaddii saldhigoodu ahaa Itoobiya waxay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Soomaliya Maxamad Siyaad Barre, laakiin waxay dalkoodii u horseedeen baa`ba colaado gaajo iyo faqri, Soomaalidu waxay ku maahmaahda Ragba waa ku raqeed},waxay kale oo ku maahmaahda)- (Asaagaa-kahar habaar ma dhaafo)- maanta xisbigii Males sanawi EPRDF) ayaa Soomaalida masuul ka ah Caalamkuna wax ka weydiiya waana mida keentay in 20Ginbood laga xuso Hargeeysa iyo Garoowe iyo guud ahaan Soomaaliya..

Waxaan kusoo koobaya Su’aallahan, munaasabbadaha Qaranka Soomaaliyed ma laga xusa Addis sabab iyo Maqale? Calanka maamul Goboleedyada Soomaalida ma laga ogolyahay Gudaha Itoobiya? Ma jiraan Generaalo, inoo fadhiya Magaallooyinka Dalka Itoobiya??.

.

Falanqeeye arrimaha bulshada

Cabdinuur Faarax Maxamuud,
guuleed72@hotmail.com