GENARAALKII UUGU HOREEYAY SOOMAALIYA OO U TANAASULA DANTA DALKIISA IYO DADKIISA. W/Q:Yuusuf Cumar

0

Genaraal Abdullahi sheesh ismaaciil ahaana madax Wayne ku xigeenkii Jubaland ayaa ah nin u soo halgamay sidii ay cagaheeda ugu istaagi lahayd dawlad goboleedka jubaland ee maanta hana qaaday.ninkastoo maanta ku dadaala sidii uu halka uu dalka kadagan yahay uugu soo dabaali lahaa nidaam amaan iyo kala danbayn waxa uu lamid yahay nin dalkoodhan islaaxinaya. Genaraalku waxa tiir dhaxaad u ahaa halgankii iyo dhismihii jubaland isagoo u dhabar adaygay dhibaatooyin xanuun badan oo kasoo gaaray halgankaas taariikhiga ah. waa nin leh karti geesinimo iyo dulqaad.

Genaraalku waa nin leh aragti siyaasadeed,daganaansho iyo tanaasul.ilaawi mayno kartidiisa iyo wax qabadkiisa waxayna nooga taalaa kasha iyo laabta.aad baanu u jecelahay Genaraalka waxaana ilaahay uuga baryaynaa cimri dheer iyo caafimaad iyo jano aakhiro.wadanigu maha wax ka go aya laabtayada.Geraal Abdullahi waa nin ciidan ah ciidamadana waxaa lagu xantaa madax adayg iyo tikteeytarnimo ha yeeshee Genaraalku waxa uu muu jiyay oo horseede u noqday taariikh aan ka dhicin afrika guud ahaan iska dhaaf soomaaliya ee,maxaayeelay si sharaf leh oo geesinimo leh oo xalaal ah ayuu uugu tanaasulay dalkiisa iyo dadkiisa isagoo ah ninkii uugu kartidada badnaa madaxda jubaland.

Soomaalidu raganimo waxay waayadan danbe u yaqaanaan ninkii jagada ku dagaalama iyo ninkii dadka laaya.Laakiin waxaa raganimo leh ninkii fahansan in jago tahay meerto macnuhuna yahay in loo shaqeeyo dadka iyo dalka.fahanka Genaraal Abdullahi waa mid sareeya waana u baahanahay taladiisa odaynimadiisa waxa uuna ku leeyahay maanta jubaland iyo soomaali oo dhan dhexdeeda sharaf iyo karaamo iyo in lagu aaminayo hogaanka sare ee dalkeena. waxaan doonaynaa ah rag sidan u fakaraya oo masuul ah xilkas ah.siyaasiyiinta soomaaliyeed waxaan ku baraarujinaynaa inay ku daydaan Genaraal Abdullaahi.

fartaag

Waa isku xirihii gedo iyo guud ahaan jubaland.bilad geesi iyo bilad sharafeed tii u saraysay ayuu mutaystay Genaraalkeenu.wada jirka iyo walaalnimadu wataas.waxaa amaan mudan guud ahaan madaxda jubaland oo soomaali u horseedaysa wanaag iyo tusaale fiican kana shaqeeyay dad isku keen,nabad kuwada noolaansho iyo hormar.madaxda jubaland wada shaqayntooda iyo is qadarin tooda waxaad moodaa sida wadamada horumaray waxaan dareemay in halkan ilbaxnimo taalo. Genaraalkeena waxaan leeyahay adeer gob ayaanahay gobina marka la sharfo oo la xurmeeyo iyaduna waxbay soo celisaa waxaan kuu haynaa hadii illaahay idmo waxaad nooga tanaasushay wax ka wayn oo aad dhoosha inbadan ka qosli doonto jacayl aan kuu hayno awgiis anagoo ah shacabka jubaland iyo soomaaliba mahad sanid Genaraal Abdullahi sheekh ismaaciil fartaag. marlabaad aad baan kuugu mahad celinaynaa casharkaad noo dhigtay.

Yuusuf Cumar
Email: Mashruuc5@hotmail.com