Golaha amaanka ee QM oo mar kale Warbixin ka soo saartay Xaalada Soomaaliya

0

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay Horumarada Siyaasadeed iyo tan Ammaan ee ka jirta xilligaan Soomaaliya.

Dhawaan 15-ka  Xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho kuwaas oo kulamo la qaatay hoggaamiyayaasha Soomaalida, Ururada Bulshada rayidka iyo kuwa Haweenka intaba.

Waxa ay sheegeen Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto horumar la taaban karo.

“ wixii ka dambeeyay markii laga baxay KMG-ka Soomaaliya horumar fiican ayey cagta saartay , dowladda waxaa looga baahan yahay in Nabadda ay sii xoojiso si horumarka uu u sii taabo galo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa sheegay in hanaan Cadaalad iyo Nabad Gelyo oo ay u qabsoonto doorashada Madaxtinimo ee sanadkaan ay ku duweyso Soomaaliya wadadii dimuqraadiyada.

Golaha ayaa waxa ay ku bogaadiyeen go’aanka Hoggaamiyayaasha Soomaalida ay u qaadeen si loo gaaro doorasho gaar ahaan waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen go’ankii dhawan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qaatay doorashada Soomaaliya.