DHAGEYSO:- Hay’ada IMF oo Soomaaliya ka taageereyso hal Arrin

0

IMF ayaa shaaca ka qaaday in ay taageero dheeri ah siin doonto shacabka Soomaaliyeed oo ay soo wajaheen dhibaatooyin kala duwan.

IMF ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya uu soo gaaray burbur xoogan 25 tii sano ee la soo dhaafay ayna burbureen kaabayaashii dhaqaalaha oo uu dalku lahaa sidaas darteedna ay Soomaaliya u baahantahay in laga taageero dhinacyada dib u dhiska iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

“Soomaaliya si tartiib ah ayey ku soo kabanaysa muddo ku dhow 25 sano oo ay ku jirtay dagaalo sokeeye, xalaada ammaana way wanaagsantahay waxayna Soomaaliya hada u baahantahay taageero dhinac walbo ah “ sidaas ayaa lagu sheegay war qoraal oo kasoo baxay IMF.

IMF ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka taageeri doonto dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidoo kale tababarada shaqaalaha dowladda .

Waxay intaas kusii dartay IMF in ay taageeri doonto dadka saboolka ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya .

IMF ayaa ka mid ah hay’adaha taageera dowladda Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-