Ilka Xanaf oo ku dhawaaqay inuu aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay, sheegayna inuu xilka wareejinayo

0

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu aqbalay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyay 4-tii bishan, taasoo dhalisay muran badan oo ku saabsan sharci ahaanshaheeda.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayuu Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf ku sheegay inuu aqbalay go’aanka xil ka qaadista.

Mr Ceydiid Ilka Xanaf oo ay hareertiisa ay taagnaayeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayuu sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista

Ilka-Xanaf ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, ka hor inta uusan ku dhawaaqin aqbalaada xil ka qaadista

Waxaa uu sheegay inuu dhowaan xilka ku wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan oo ay ka soo wada jeedaan Gobolka Togdheer.

la soco Shirka Jaraa’id ee Ilka Xanaf..