Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ay ka mid yihiin oo lagu la’yahay Biyaha u dhexeeya Dalalka Liibiya iyo Talyaaniga

0

Doonidan oo ay la socdeen ugu yaraan 84 Ruux, oo doonayay in ay gaaraan Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa ku quustay biyaha Medetereeniyaanka ee u dhaxeeya Dalalka Talyaaniga iyo Liibya.

Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IOM ayaa sheegeysa in Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga ay soo badbaadiyeen ku dhawaad 26 Ruux, kuwaasi oo la geeyay Jaziirada Lampedusa ee Dalka Talyaaniga.

Afhayeenka Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee IOM, Flavio ayaa u sheegay Wakaalada Wararka AFP ku dhawaad 110 Ruux oo ka soo jeeda Dalalka Bariga Afrika in ay la socdeen Doonidaasi dagtay.

Tahriibayaashan ku quusay biyaha Medetereeniyaanka ee u dhaxeeya Dalalka Talyaaniga iyo Liibya ayaa laga cabis qabaa in ay ku jiraa Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Bishii la soo dhaafay ayey aheyd markii Dooni ay la socdeen ku dhawaad 500 oo tahriibayaal ah kuwaasi oo u badnaa Soomaali islamarkaana ka soo baxay Dalka Masar ay ku dhinteen biyaha Medetereeniyaanka ee u dhaxeeya Dalalka Talyaaniga iyo Liibya.