ku dhawaad 30 Qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Runirgood

0

22 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeryoodeen dagaal maanta ka dhacay degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaana dagaalkaas uu u dhaxeeyay ururka Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay dagaalka waxaana ay sheegeen in ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa baraha bulshada ay kula hadlaan waxa ay ku qoreen in dagaalkaas ay ku dileen 32 askari oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in dagaalka looga dilay 8 askari iyadoo ay sheegeen in ay dileen 12 Al-shabaab ah.

Xaalada degmada Runirgood ayaa hada waxa ay tahay mid degan inkastoo aan la cadeyn karin cida sida rasmiga ah ee gacanta ugu heysa degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.