LIVE:- Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaanka dhaqanka soo xirmaya Saaka & Go’aamada laga filayo

0

Shirka Hogaamiyaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed kana socdey magaalada Qardho ayaa maanta lasoo xiri doonaa, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaaladaas, waxaana ilaa shalay si durugsan looga wada hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan maanta.

Kaqeybgalayaasha Isimadda ah ayaa shaley dood ka yeeshay dhismaha Madal dhaqan Soomaaliyeed, taas oo kulmi doonta dhamaanba Isimadda Soomaalida, waxa ayna sidaas oo kale yeelan doonaan gollahaas oo ay xubno ka noqon doonaan Isimadda Soomaaliyeed oo dhan.

Warar ka soo baxaya Hoggaanka shirka ayaa sheegaya in qodobada soo baxay qaarkood ay ku wajahan yihiin baaqyo iyo barnaamijyo la xariira arrimaha Siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Madaxda Dhaqanka ayaa qaar badan oo kamid ah ay iskugu yimaadeen magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, ka dib markii uu gogoshan dhigey Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.