Ma moodda in Xasan Sheekh uu ku soo uruuriyey dowrkii Dowladda Federaalka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ?

0

Dalkeenna Soomaaliya, Waxaa maanta ka socda fowdo siyaasadeed iyo nidaamdarro maamuleed oo aan waligeed horay loo arag, Taasi oo uu sabab u yahay ninka Madaxweynaha ka ah Dowladda Federaalka. Nidaamdaradani, Ayaa gaartay heer ay shaki gasho midnimadii iyo madaxbanaanidii Dalka iyo waliba dowrkii Dowladda Federaalka ee uu tacabka badan galay. Hadaba, Ma moodda in Xasan Sheekh uu ku soo uruuriyey dowrkii Dowladda Federaalka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ?

Inta aanan ka jawaabin su’aashaasi aan bal marka hore waxoogaa ka waramo dhaqan-xumida iyo nidaamdarida ka socota Soomaaliya, Taasi oo runtii gaartay heer aan horay loo arag, Islamarkaanna ka dhigtay dadkii Soomaaliyeed dad aan waxba ka aqoonin dowladnimada iyo dhaqankeeda. Musiibadani, Ayaa baahday tan iyo markii la doortay faashilkan weyn ee lagu hungoobay, Kaasi oo ka dhigay magacii Soomaaliyeed mid aan qiimo lahayn.

Sidan soo sheegayba, Walaalayaal waxaa dalkeenna ka socda nidaamdarro baahsan oo ay geysanayaan dad isugu jira Soomaali iyo ajaanibba. Dadkan Soomaalida ah, Ayaa qaarkood waxa ay xilal ka hayaan maamulada ka jira Dalka ee ay ka midka yihiin waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada, Kuwaasi oo maalin walba ku tumanayo shuruucdii iyo qawaaniintii u tiilay Dalka iyo waliba dhaqankii dowladnimadaba.

Tusaale ahaan, Waxaad arkaysaa madax ka socota Maamul Goboleedyada oo booqaneysa dalal shisheeye, Islamarkaanna dalalkaasi la galayso heshiisyo waa weyn oo ay ahayd in ay gasho Dowladda Dhexe. Waxa aad sidoo kale arkaysaa madaxda Maamuladaasi oo dowlad shisheeye ay ku heshiisiineyso gudaha dalkeeda xilli ay Dalka ka jiro dowlad rasmi ah. Taasi oo runtii ku qasabtay malaayiin Soomaali ah in ay la laabtaan taageeradii ay u hayeen Dowladda Federaalka iyo dadaaladdeeda.
Waxa aad sidoo kale arkaysaa ururo iyo dowlado shisheeye oo faraha kula jiro arimaha gudaha ee Dalka, Taasi oo gaartay heer ay shaki gasho midnimadii iyo madaxbanaanidii Dalka iyo waliba dowrkii Dowladda Federaalka, Taasina waxaa daliil u ah shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Nayroobi ee ay beel Soomaaliyeeed hashiis kula gashay dowladda Kenya ee cadowga ah.

Arimahan (Nidaamdarooyinkan) dhacayo ayaa waxaa loo aaneynayaa hogaan-xumidan uu ku sifoobay Madaxweyne Xasan Sheekh, Taasi oo Dalkii u baylahaysay cadowgii soojireenka ahaa. Waxa ay sidoo kale hogaamin-xumidiisa keentay in ay fadhiid noqdaan Wasaaradihii ugu muhiimsanaa Dowladda Federaalka sida Wasaaradda Arimaha Gudaha, Arimaha Dibadda iyo waliba Wasaaradda Gaashaandhigga.

Haddii aan dib ugu soo laabto su’aasha qormadeyda ah: Ma mooddaa in Xasan Sheekh uu ku soo uruuriyey dowrkii Dowladda Federaalka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ? Jawaabtu waxaan leenahay haa wuu ku soo uruuriyey, Anagoo faahfaahin doonno waxa aan sidaasi u leenahay, Islamarkaanna keeni doonno cadeymo muujinayo danbiyada uu Xasan ka galay Dalka iyo dhaqanka dowladnimadaba.
Walaalayaal, Xasan Sheekh waxa uu dowrkii Dowladda Federaalka ku soo uruuriyey Muqdisho iyo nawaaxigeeda, Maxaa yeelay waxa uu ogolaaday ama uu ka aamusay nidaamdarada ay samayanayaan kuwan sheegta in ay hogaamiyaan waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada. Waxa uu sidoo kale ogolaaday ama uu ka aamusay faragelinta ka imaanaysa dalalka Itoobiya iyo Kenya iyo waliba ururkan loogu yeero IGAD ee khabiithka ah.
Maadaama Madaxweynaha loo dhiibay dowlad federaalka ah oo sidata dastuur tilmaamayo waajibaadkeeda shaqo iyo waliba kan maamul goboleedyada. Waxa ay ahayd inaannu ogolaanin in lagu xadgudbo awoodaha Dowladda Dhexe ee uu Isagu Madaxweynaha u yahay. Haddii taasi la diidana, Waxa ay ahayd in uu arinkaasi ka hadlo oo uu u sheego dadka Soomaaliyeed waxa dhacayo iyo cidda masuulka ka ah.
Sidee u ogolaanayaa ama uu uga aamusayaa nidaamdarooyinka ay samayanayaan kuwa maanta hogaamiya Maamul Goboleedyada kala ah Soomaaliland, Buntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo waliba maamulka Galmudug ? Muxuuse Madaxweynuhu uga aamusan yahay talaabooyinka uu qaadayo maamulka Soomaliland ee ay dhawaanahan u ololeynayaan kuwa laga roonayaasha ah (qowmu-luud) ? Mase oga miyaa in Maamulkani uu halgan ugu Jiro sidii uu Dalka u kala goyn lahaa ?!

Waxa ay sidoo kale ahayd in Madaxweynuhu aanu ogolaan faragelinta ka imaanayso dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo haatan faragelintoodu gaartay heer ay ku dhiiradaan in ay heshiisyo waa weyn la galaan waxan loogu yeero Maamul Goboleedyada, Iyadoo ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo uu Caalamku aqoonsan yahay. Sidee ku dhici kartaa in Itoobiya ay heshiisyo waa weyn la gasho maamul goboleed Iyadoo og in Soomaaliya ay ka jirto dowlad dhexe ?

Anigu, Waxaan qabaa in ogolaanshaha Xasan iyo aamuskiisa uu keenay in Itoobiya ay ku dhaqaaqdo wax alaale iyo wixii ay ku fikirto, Iyada oo aan u eegin sharci iyo sharcidarro. Waxa aan sidoo kale qaabaa in aamuskiisa uu keenay in Kenyana ay u dhaqanto sida Itoobiya oo kale, Taasina waxaa daliil u ah shirkii dhawaan ka dhcay magaalada Nayroobi ee ay beel Soomaaliyeed heshiis kula gashay dowladda Kenya. Sow horay looma oran aamusku waa calaamad ogolaansho ?

Hoos u dhaca ku yimid awoodaha Dowladda Federaalka, gaar ahaan wasaaradaheeda quseeya Arimaha Gudaha, Dibadda iyo Gaashaandhigga waxaa masuul ka ah waa Xasan Sheekh, Maxaa yeelay Isaga ayaa ah ninka u sareeya System-ka oo dhan, Isaga ayeyna ahayd in uu wax ka qabto hoos-udhacaasi ama uu meesha isaga tago si uusan ugu ceeboobin.

Xasan, Waxa uu sidoo kale masuul ka yahay dowladdan ku soo uruurtay xaafadaha iyo wadooyinka Muqdisho ee ay awoodeedu la tageen Maamul Goboleedyada iyo dowladaha dariska ah. Waxaa uu sidoo kale masuul ka yahay isbarbaryaacaan lagu sharaftirayo magacii iyo karaamadii Umadda Soomaaliyeeed, waayo Isaga ayaa ah madaxweynihii Dalka, Isaga ayaana laga rabay in uu wax ka qabto foolxumooyinkan dhacayso. Sow horay looma oran ma jiro madax wax ka sareeya oo la salaaxo ?

Wey adag tahay runtii in hal qormo lagu soo koobo danbiyadii uu Xasan Sheekh ka galay Dalka iyo dadka Soomaaliyeed waliba xilli rajo laga qabay helitaanka qaran Soomaaliyeed oo si fiican u shaqeeya. Waxaana rajaynayaa in uu imaan doono waqti suurtageliya in lala xisaabtamo cid kasta oo danbi ka gashay Dalkan iyo Dadkiisa magacay doonaanba ha ku galaanee.
Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan u soo jeedinayaa Umadda Soomaaliyeed talooyin dhowr ah oo looga dhiidhinayo dunuubtii uu Xasan ka galay Dalkan, gaar ahaan Dowladdan Federaalka. Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwa soo socda:-
1- Inaan dib loo soo dooran Xasan maadaama la arkay waxtarkiisa iyo aqoonta uu u leeyahay dowladnimada iyo dhaqankeeda.

2- In maxkamad la soo taago mar alaale iyo marka uu dhamaado xiligiisa si looga abaalmariyo dunuubtii uu Dalka ka galay.

3- In baarid lagu sameeyo hantidiisa si loo hubiyo inaanu wax ka dhacin Dalka iyo in kale.

4- In baarid qotodheer lagu sameeyo kooxihii Isaga la shaqeyn jiray sida kooxda Damujadiid oo kale.

W/Q: Maxamed Ibrahim
Al-faatix1960@hotmail.com