Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo Saraakiisha AMISOM oo ka shiray joojinta Dagaalada Gobolkaasi ka dhaca

0

Xili maalmihii la soo dhaafay ay Kulamo gaar gaar ah ka soconayeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hooose, ayaa maanta Xubno ka socda Maamulka Koonfur Galbeed waxey kulan la qaateen Saraakiisha Ciidamada AMISOM kaasi oo looga hadlay sidii wax looga qaban la haa Dagaal beeleedyo ka taagan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose oo ay ka mid tahay Magaalada Marka.

Xasan Abuukar Jimcaale oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in isaga iyo dhowr Guddoomiye oo ka mid ah Gobolka oo ay wehliyeen 4 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay la kulmeen Taliska Ciidamada AMISOM xaruntiisa Gobolka Sh.Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sdioo kale tilmaamay in Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM ay kala shireen wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka taagan Gobolka Sh.Hoose.

Dhinaca kale, Guddoomiye Xasan Abuukar Jimcaale ayaa waxuu xusay in ay kulamo la qaateen Odayaal kala matalaya Labada beelood ee colaada ay u dhaxeyso, waxuuna qeexay in loo bandhigay Odayaashaasi qaabka looga shaqeyn karo nabad galyada Gobolka Sh.Hoose.

Sikastaba, Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arimaha Bulshada ee Gobolka Sh.Hoose ayaa ugu baaqay guud ahaan Shacabka Gobolka Sh.Hoose ka feejignaanta Dagaallo ku soo noqda Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.