Maamulka Shabeelaha Dhexe oo sheegay in gaabis uu ku yimid howlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab

0

Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Yuusuf Caloof oo la hadlay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in gaabis iyo dib u dhac ballaaran uu ku yimid howlgalladii ka socday deegaanno dhowr ah oo Gobolka Shabeelaha Dhexe ay kaga sugan yihiin dhaq dhaqaaqa Xarakada Al Shabaab.

Arrintaan ayuu ku micneeyay xaalad dagaal sida uu hadalka u dhigay guddoomiye ku xigeenku isagoo hoosta ka xariiqay in ay dib howlgalladii ay Ciidamadu ka wadeen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ay u billaabayaan.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdullaahi Yuusuf Caloof shirka ka soconaya Jowhar ee maamulka u sameynta labada Gobol ayuu hoosta ka xariiqay in dhawaan la soo afjari doono shirkaas loogana dhawaaqi doono masuuliyiinta maamulkaas.

Ciidamada huwanta ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Aadan Yabaal ee Gobolkaasi.